Heemaal News Network

Itoobiya Oo War Cusub Oo ka Dabacsan kuwii Hore kasoo Saartay Xiisadda Badda Ee Somaliya.

La taliyaha amniga qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa sheegay in Addis Ababa ay diyaar u tahay inay dhegeysato saaxiibbadeeda, si ay u dejiso xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

“Iyada oo ay qayb ka tahay ballan-qaadkeenna, waxaan laba-jibaari doonnaa dadaalkeenna si aan u hubinno is-fahan wanaagsan. Waxaan dhageysan doonnaa saaxiibbada si loo helo isku-dubbarid dadaallada lagu dhimayo xiisadda,” Mr Redwan ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X, (Twitter).

“Waan sii wadi doonaa dadaalka aan ugu jirno in aan si joogta ah u gaarno gabogabada iyadoo dhamaan tixgalin faa’iido leh la isku muujinayo ,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Hadalkan ayaa loo arkaa inuu ku wajahan yahay Masar oo ka digtay khatarta ka dhalan karta heshiiska isla markaan auu keeni karo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu dhawaan uu booqosho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Shacabka Yuhuuda: Natanyahu Ha Is Casilo

Heemaal

Salaadiin & Odeyaasha Dhaqanka Ee Awdal Oo si Adag Ula Hadlay Abiy Ahmed Fariin-na U Diray Shacabka Gobolkaasi.

Heemaal

Mareykanka Oo War Adag kasoo Saaray Xad-gudubyo Waa-weyn Oo ay Geesaneyso Itoobiya

Heemaaln