Heemaal News Network

Xisbulah Oo Garaacday Saldhig Milatari Oo Ay Leeyihiin Yuhuudu

Hezbollah ayaa ku dhawaaqday in ay beegsatay goob iyo saldhig ay ciidamada Israa’iil ku leeyihiin meel u dhow xudduudda koonfureed ee Lubnaan, halka Israa’iil ay duqaymo ka wadeen deegaanno ku yaalla koonfurta.

Kooxda Lubnaan ayaa laba bayaan oo kala duwan ku sheegtay in dagaalyahannadoodu ay la beegsadeen hub iyo gantaalo saldhigga millatariga ee Khirbet Maar iyo goobta lagu magacaabo Ramtha, iyaga oo si toos ah u garaacay.

Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa ku warantay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay Israel ay fulisay weerar dhanka cirka ah, iyadoo weerar cirka ah ku qaaday magaalada Yaron oo ka tirsan degmada Bint Jbeil, iyadoo gantaal la hagayay u riday xaafado la deggan yahay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Israail Oo Weerar Ku Qaaday Magaalooyin Ku Yaala Dalka Lubnaan

Heemaal

Turkiga Oo Fashiliyey Weerar Argagixiso Oo lagu Qaaday Maxakamada Istanbul, Iyo Khasaaro

Heemaaln

Maraykan Oo Sheegay In Ay gantoo Iyo Dayaarado Weerar Ku Ahaa Markiib ay Burburiyeen

Heemaal