Heemaal News Network

Itoobiya Oo Dacwad kusoo Oogay Wadaad ku Baaqay in la weeraro Abiy Axmed

Wadaad caan ka ah dalka Itoobiya ayaa lagu soo oogay dacwad, kaddib markii uu si kulul u eedeeyay hab-dhaqanka qalafsan ee Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed kuna baaqay in la weeraro.

Abuna Lukas, oo ah hoggaamiyaha kaniisadda Orthodox-ka, ayaa sheegay in Abiy Axmed dalka Itoobiya ku xukumayo awoodo sheydaan , waxa uuna ku baaqay in la weeraro oo madaxa dhagxaan looga dhufto.

Ninkan ayaa hadalkan ka jeediyay dalka Mareykanka uu joogo, waxa uu sidoo kale cambaareeyay awoodaha xad dhaafka ah ay adeegsanayaan ciidamada Itoobiya ee ku aadan weerarada dhinaca cirka ah ay fulinayaan.

Dacwad oogayaasha Itoobiya ayaana dacwad kusoo oogay wadaadkan maqanaha ah, lamana oga in xukun lagu ridi doono hoggaamiyaha kaniisadda Orthodox-ka isaga oo ka maqan dalka Itoobiya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Turkiga: Maraykanku Wuxuu Ku Cayarayaa Dab, Holac Ayuuna Isku Badali Karaa

Heemaal

Pakistan Oo Dooratay Raysal wasaare Cusub

Heemaaln

Abiy Ahmed Oo Xariga ka Jaray Garoonka Diyaaradeed Oo Laga Hirgaliyay Godey Ee DDS.(Sawirro)

Heemaaln