Heemaal News Network

Waali Cas: Natanyahu Oo Shiinaha Ka Dalbaday 40K Oo Taandho

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa amar ku bixiyay in 40,000 oo teendho laga soo iibiyo Shiinaha in laga dhiso Gaza oo go’doonsan, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay, si loogu diyaargaroobo duullaanka dhulka ee Rafah halkaasoo in ka badan 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah ay gabaad ka dhigteen.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Netanyahu uu hoos u dhigay baqdinta caalamiga ah ee laga qabo masiibo bini’aadantinimo haddii Israa’iil ay duullaan qorshaysan ku qaado magaalada Qaza ee koonfurta ugu xigta, isagoo sheegay in dadka rayidka ah ay awood u yeelan karaan in ay dagaalka uga cararaan qaybaha kale ee dhulka uu dagaalku ka socdo.

Isagoo la hadlayay wafdiga Kongareeska Mareykanka ee booqanaya Israa’iil, Netanyahu wuxuu sheegay in dadka gabaadka ku ah Rafah – hadda in ka badan kala bar dadka 2.3 milyan ee Qaza – ay awood u yeelan doonaan inay ka fogaadaan dagaalka.

“Dadku kaliya way dhaqaaqayaan, waxay la guuraan teendhooyinkooda,” Netanyahu ayaa ku yidhi hadalad uu ku muujinaayey in uu uu yahay nin u naxariisanaya shacabka Falsdiin. “Dadku waxay u guureen [Rafah]. Dib bay u dhaqaaqi karaan.”

Duulaanka Israel ee qorshaysan waxa uu kiciyay qaylo dhaan caalami ah sababtoo ah magaalada ku taal xadka Gaza iyo Masar waxa ku go’doonsan in ka badan 1.5 milyan oo falastiiniyiin ah oo ku jira xeryo teendhooyin ah oo fidsan iyo hoyga Qaramada Midoobay, kuwaas oo intooda badan ka soo cararay gumaadka Israel ee meelo kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Gaza iyo Ciidamada Israel Oo..(Sawirro)

Heemaaln

Warar Dheeraad Ah Iyo Xaalada Hadda Taagan ee Dagaalka Iiraan Iyo Xulafada Yuhuuda

Heemaal

Falcelinta Go’aanka Maxkamada Caalamka ee Kiiska Falastiin

Heemaal