Heemaal News Network

Ciidamada Puntland Oo Qabtay Doon Waday Hub Sharci darro Ah

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan dooni nuuca kaluumeysiga ah oo waday hub sharci darro ah, waxa ayna doontan kusoo xiraty xeebaha gobolka Raas Caseyr ee Puntland.

Taliska booliiska Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo hayay xogta doontan hubka waday la qabtay markii ay soo xiratay, waxa ayna booliiska sheegeen in doontan si sharci darro ah hub kusoo galineysay Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaana xabsiga dhigay saddex nin oo la socday doonta la qabtay, waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen hubkii doonta saarnaa iyo sidoo kale agabyo kale oo doonta lagu waday.

Dalka Yemen ayaa mararka qaar laga soo galiyaa hubka sharci-darada ah ee la keeno gudaha Soomaaliya, hubkaasi ayaana lagu soo galiyaa dooman si dhuumaaleysi ah ugu soo xirta xeebaha Puntland.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Imaaraatka Oo Dhisaya Ciidamo Calooshood u Shaqeystayaal Uu ku Xoojinayo Awooddiisa Militari Ee Yemen iyo Somaliya

Heemaaln

Saylici iyo Masuuliyinta Awdal Oo Qaadacay Xeerkii Doorashooyinka Ee la Ansixiyay

Heemaaln

Dr Bur -saliid “Abiy Axmed Maalin walba Xasan Sheekh buu ka Dacwoodaa”

Heemaaln