Heemaal News Network

Itoobiya Oo Sheegatay In Ay Qabatay Shidaal Loo waday Soomaliya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay shidaal badan oo laga bixinayay Dowlad degaanka Soomaalida loona waday Jubbaland Soomaaliya, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Facebook ku leeyihiin Ciidamada Millitariga Itoobiya.

Shidaalkan ayay Ciidamadu sheegeen inuu dhanaa ilaa 30 foosto oo shidaal ah, kaas oo lacagtiisa lagu qiyaasay ilaa 750,000 oo Birr, waxay Ciidamada Itoobiya sheegeen in shidaalkan laga qaaday degmada Doolow ee gobolka Afdheer loona waday Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland, iyadoo shidaalkan uu waday gaari laga leeyahay Dowlad degaanka Soomaalida lambarkiisuna yahay 3 SM 05459.

Dowladdu waxa kale oo ay sheegtay in ganacsatada howlahan ka shaqaysta ay qayb ka yihiin sicir bararka ka jira guud ahaan dalka Itoobiya, sidaas darteedna aysan ka baxsan doonin gacanta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda dalku la leeyahay dalalka deriska ah, waa siday hadalka u dhigtay Dowladda Itoobiya.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa xilliyo hore waxaa lagu eedeeyay in shidaalka iyo lacago kaleba laga tahriibiyo, iyadoo wakhtigaasna xukuumadda degaanka Soomaalidu ay qaaday tallaabooyin lagu xakamaynayo shidaalkaas sida sharci darrada ah uga baxayay degaanka Soomaalida.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Puntland Oo ka Jawaabtay Go’aanka DF Ee Lagu Xirayo Qunsuliyada Itoobiya Ee Garowe

Heemaaln

Weftiga Ingiriiska Ee Aqoonsiga Oo Booqday Xarumaha Dawlada Ee Hargeysa Iyo Goobo kale Oo.

Heemaaln

Ciidamada Bada Somaliland Oo Hawlgal Ka Fuliyey Bada kusoo Qabtay Tahriibayaal.

Heemaaln