Heemaal News Network

Xassan Sheekh Oo Booqday Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dawlada Turkigga Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Ay la Galeen Somaliya

Heemaaln

“Dekadaha Somalida iyo kuwa Geeskuba waxa ay Tartan Ugu jiraan Suuqa Ganacsiga Ethiopia.”Wasiirka Warfaafinta

Heemaaln

Madaxii Culuunta Saxaafada Ee Jaamacada Umadda Soomaliyeed Oo Ku Biiray Alshabaab

Heemaal