Heemaal News Network

Dawlada Turkigga Oo War Kasoo Saaray Heshiiska Ay la Galeen Somaliya

Turkiga heshiis difaac iyo Iskaashi dhaqaale ayey la wada galeen Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti. Dawladaha danahooda istiraajiga ah ayaa haga, halka ay ugu badiso ayeyna ka dheefsadaan. Caadifad, qiiro iyo niyad wanaag wax badan kuma dhisaan.

Waxaan xusuustaa iyadoo madaxdii talada dalka iskaga danbaysay na leeyihiin Itoobiya tii hore ee aad taqaaneen maaha. Xilli aan fogayna dawlad kale ayaa na loo sheegay in ay tahay saaxibka keli ah ee ay Soomaaliya leedahay.

“Sideebay dawlad u fekertaa (How State Think). Waa buug ay qoreen John Mearsheimer iyo Sebastian Rosato oo maalmahaan ugu aqriska badan yihiin dadka daneeya arrimaha dawladnimada, gaar ahaan kaadirka ku hawlan dibloomasiyadda iyo xiriirka caalamiga.

Labada Barafasoor oo baac wayn ku leh arrimahan ayaa ku doodaya in dawladda caaqilka ah lagu garto sida ay dunida u fahamsantahay, danaheedana uga dhex jirato, iyagoo halbeegga lagu garto dawladaasna ku sheegay.

1- In ay go’aanka ku dhisto aragti cilmi ah iyo aqoon lagu fahmi karo xaaladda taagan

2- In hannaanka go’aan qaadashada loo maro waddo sax ah oo ay soo dhirrandhiriyeen hay’adihii ku shaqada laha

Haddii aad doodda buuggan ku xusan ku qiimayso siyaasadda arrimaha dibadda dalkeenna, waxaa kuu soo baxaysa in aan weli ka fognahay dawlad caaqil ah, laakiin aan haysano fursadihii aan ku noqon lahayn.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Soomaaliya oo Warbixintii Ugu Horreysay 34 sano kadib u Gudbisay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ee QM

Heemaaln

Ninkii Naagtiisa ku Gubay Muqdisho Oo Gacanta Lagu soo Dhigay

Heemaaln

Guddida Farsamo Ee Heshiiska Somaliland & Ethiopia Oo kulan la Qaatay Ganacsatada Dalka

Heemaaln