Heemaal News Network

Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti Oo Heshiis kala Saxiixday kaddib Heshiiskii Somaliya

Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya, xilli saameynta Turkiga ku yeelanayo qaarada Afrika sii kordhayo.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa wadahadal dheer ku yeeshay magaalada Ankara , waxa ayna labada dhinac kawada hadleen iskaashi dhinaca difaaca ah iyo arrimo kale.

Labada wasiir ayaana kala saxiixday heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah , kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.

Wasiirrada Gaasgaandhigga dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiiska kaddib sheegay in uu wax badan ka tari doono xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal heshiisyada ay hadda kala saxiixdeen.

Heshiiska Turkiga iyo Jabuuti ayaa kusoo aadaya xilli shalay labada gole ee dowladda Federaalka ansixiyeen heshiis dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha dowladda la gashay Turkiga, kaa oo dowladda ka taageeraya in laga difaaco dowladaha kusoo gardarooda xeebaha dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiirada Difaaca Ee Turkiga iyo Somaliya Oo Heshiis Dhinaca Difaaca ah kala Saxiixday.

Heemaaln

Waraabe Oo Weerar Qaawan Ku Qaaday Wasiirka Arimaha Dibadda Jabuuti “Doqon”

Heemaal

Warbaahinta Turkigu Maxey ka Qoreen Heshiiska Somaliya iyo Turkiga?

Heemaaln