Heemaal News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo la Kulmay Gudoomiyaha Jaamacada Carabta.(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.



Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha SSC Oo Booqasho Ku tagay Wasaarada Arimaha Gudaha SSC Khaatumo

Heemaaln

“Diyaar Baanu u nahay Inaanu Doorashadii Qabano Sanadkan” Gudoomiyaha doorashooyinka

Heemaal

Idaacadii Andalus Ee Alshabaab Iyo Warshad Qaraxyada Samaynaysay Oo La Burburiyey

Heemaal