Heemaal News Network

“Dhiiggii Wiilasheenna ayaan u Hurnay Amniga Somaliya..” Itoobiya Oo U Jawaabtay Sisi

La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa mar kale ka hadlay heshiiskii ay la galeen Somaliland, isagoo sheegay in isfamka Bada uusan ahayn fara-galin madaxbanaani, balse uu irid u furayo ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland.

La taliye Ridwaan oo arimahan ka hadlaya ayaa yiri “Dhiiggii iyo dheecaankii wiilasheenna & gabdheheenna ayaan u hurnay amniga Soomaaliya, keliya ma nihin deris ee waxaa nahay; walaalo wadaaga af, dhaqan iyo dad, mana kala maarmi karno.

Heshiiskii Somaliland aan la galnay waa iskaashi ganacsi oo noo sahlaya irid bad, maaha qaadasho madaxbanaani dal.

Xaqiiqadu waxa ay tahay in kuwo aan Soomaali wax tarin ay isu muujinayaan saaxiib dhab ah, waxa aan jeclaan lahayn in wada-hadal aan la yeelano dhammaan deriskeenna, si aan u noqonno shuraako isdhexgal iyo horumar wada gaadha, ayuu hadalkiisa raaciyey isga oo u duur xulaya Masar, kana jawaabaya garab itaaga Sisi u muujiyey Soomaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somalia Oo Saacado kooban u Qabatay Safiirka Itoobiya

Heemaaln

Dad Badan Oo loo Xir-xiray Dilka Siyaasi ka Tirsanaa Madaxda Mucaaradka Itoobiya.

Heemaaln

Golaha Arimaha Islaamka Itoobiya Oo Qeylo Dhaan kasoo Saaray Weerarada Lagu Hayo Muslimiinta Axmaarada.

Heemaaln