Heemaal News Network

Soomaaliya: Biixi Wuxuu Boodhka Ku Qarinyaa Ficililadii Xumaa Ee Uu Ku Dhaqaaqay

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa mar kale dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable ku eedeeyey dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, masuuliyiinta eedeyntaas u soo jeedisay DF Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Muuse Biixi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa hadalka Muuse Biixi ku tilmaamay mid shacabka Somaliland looga jeedinayo badooda la iibsaday.

Wasiir Al-Cadaala wuxuu sheegay in aysan suurtagal aheyn in masuuliyadda dowladda Soomaaliya lagu dilo qof muwaadin ah oo waliba ka mid ahaa masuuliyiinta hey’adda ka tirsan dowladda.

“Waa maqalnay hadalka kheyru masuulnimada ah ee Muuse Biixi, waxaa u soo dhiibay hadaladaas naceybka ah cadowga umadda Soomaaliyeed, hadalkiisu waa boor isku qaris wuxuu ku fashilmay wixii uu ka shaqeynayey, wuxuuna abuurayaa naceyb uu dadka Soomaaliyeed uga qarinayo ficiladii xumaa ee uu ka shaqeynayey,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaan ku saabsan sidii uu u dhintay, isagoo xusay in boolisku hayaan lix qof, isla markaana natiijada laga sugayo baaritaanka socda.

“Geerida Cabdinaasir Dahable waan ka xunahay, wuxuu ka mid noqday dadkii Soomaaliyeed ee maalmahaan sida xaqdarada ah loo dilay, waxaana socda baaritaan, in dilka wiilkaas la siyaasadeeyo aad ayaan uga xunahay,” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa dadka ku nool gobollada waqooyi ugu baaqay in hadallada naceyb ah ee xaqiiqada ka fog aysan aaminin, kuwaas oo uu sheegay in Muuse Biixi iyo xubno la shaqeeya ay dadka la wadaagayaan.

“Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay shilal kala duwan ayaa ka dhacay dadkii ku baxay ayuuna ka mid ahaa Cabdinaasir waan ka xunahay geeridiisa, baaritaanka dilkiisana booliska ayaa u xilsaaran, wixii intaas dhaafsan ee ka soo yeera Muuse iyo raggiisa waa naceyb la dhexdhigayo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Halkan Ka Dhagayso Waraysiga

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Odayaashaydii Bistoolad ayaa Madaxa Laga Saaray Markii la Ogaaday in aan…”Musharax Madaxweyne Jubaland.

Heemaaln

Dowladda Federaalka Oo Amartay in la Xiro Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Garowe iyo Hargeysa

Heemaaln

Xukuumadda Somaliya Oo Odayaasha Isaaq kala Hadashay Xadgudunka Itoobiya (Sawirro)

Heemaal