Heemaal News Network

Ra’isul Wasaare Xamse Oo la kulmay Abdullah Salem una Mahadceliyay Dowladiisa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Qatar Soomaaliya ka fulisay mashaariic badan oo hurumarineed ay ku jiraan dhismooyin laamiyo, waxa ay sidoo kale dhaqaale badan ku taageertaa dowladda Federaalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowlada Somaliya Oo Raali-gelin ka Bixisay Falkii ka Dhacay Garoonka Muqdisho.(Akhriso)

Heemaaln

“Wan ku Faraxsanahay in Tv-gii aan Aasaasay Uu…”Ex M/Daahir Riyaale Oo Booqday Xarunta Warfaafinta

Heemaaln

Somaliya Oo Maanta Imaraadka Carabta kala Wareegtay Diyaarad sida Shixnad Gargaar ah.

Heemaaln