Heemaal News Network

Dowlada Somaliya Oo Raali-gelin ka Bixisay Falkii ka Dhacay Garoonka Muqdisho.(Akhriso)

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia ayaa waxay shaacisay iney ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaasoo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib u dhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

“Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaasoo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda

Duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa maalintii labaad hakad galay iyadoo shacab fara badan ku cadibmeen garoonka qeybta Local-ka, kaddib markii Shirkadaha Diyaaradaha lagu soo rogay in rakaabkiiba laga qaado 9 dollar.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkaddaha Diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta Rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticketka iyo in aan lagu kordhin oo shirkadaha duulimaadka doonayaan inay lacagta 9-ka dollar ku kordhiyaan qiimihii hore ee Ticketka, halka Wasaaradda Gaadiidka ay dooneyso in aan waxba laga bedelin qiimaha Ticket-kii hore la qaadayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Shirkad lagu magacaabo Hornlink ay la soo kordhiyay nidaam cusub oo amniga xogta rakaabka diyaaradda raacaya oo ay ka wada shaqeyanayaan Laamaha Amniga iyo Wasaaradda Gaadiidka. Shirkaddan Hornlink oo Ganacsato leeyihiin ayay Wasaaradda Gaadiidka qandaraas ku siisay inay uruuriso xogta Rakaabka raacaya diyaaradaha oo soo kordhisay system cusub oo lagu ogaanayo xogta rakaabka.

War saxafadeedkan kuma xusna qodobkii muranka dhaliyay ee $9-ka dollar. Wasaaraddu waxay isku dayday iney sumcad ahaan isu-badbaadiso oo ay eedda u leexiso diyaaraddaha, laakiin waxaa muhiim ah in Dowladdu cadeyso in mashruucii 9ka dollar meesha laga saaray iyo in kale.

HOOS KA AKHRISO

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Oo Sheegatay In Ay Qabatay Shidaal Loo waday Soomaliya

Heemaal

Koox Hubaysan Oo Kufsi Wadareed Garowe Ugu Geystay Gabar 13 jir ah Oo ka Mid ah Barakacayaasha

Heemaaln

Ciidamada Puntland Oo Qabtay Doon Waday Hub Sharci darro Ah

Heemaal