Heemaal News Network

Saraakiil Turki ah Oo Muqdisho yimid Oo Shir la Galay Wasarada Difaaca (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Türkiye oo isugu jira saraakiil Ciidan iyo kuwo Madani ah.

Kulanka ayaa looga hadlay fulinta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee Difaaca iyo Dhaqaalaha ee laba dal ay mar dhow ku kala sixiixdeen magaalada Ankara.

Dhanka kale kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta tababar iyo qalabeyn Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed( GorGor) iyo xoojinta howlgalada lagu ciribtirayo Al shabaab dalkeena iyo diinteena ku soo duushey.

Golayaasha fulinta iyo sharcidejinta ee Soomaaliya ayaa dhowaan ansixiyey heshiis muhiim ah oo horraantii bishan Soomaaliya la gashay dawladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa lagu magacaabaa “Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha,” waxaana 8-dii bisha lagu saxiixay dalka Turkiga.

Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen heshiiskan ku ansixiyey. Wax yar kadibna waxaa heshiiska ansixiyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay xiriirka iyo heshiiska Turkiga, ayaa ammaanay taageerada uu Turkigu u fidiyey Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Turkigu uu Soomaaliya ka caawiyey dhinaca arirmaha bani’aadannimada, la-dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhinaca dhaqaalaha sida kabka miisaniyadda.

Waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay muddo ah la kulmaysay kalluumaysi sharc-darro ah, iyo in lagu shubo agab wasakhaysan, hase yeeshee hadda ka hor aysan helin Soomaaliya cid ka kaalmaysa.

Waxa uu sheegay in sababta Soomaaliya kaalmada u weydiisatay Turkiga aysan ahayn in Itoobiya lala dagaalamo ama lagu duulo. Ujeeddadu waxa weeye ayuu yiri, waa in na lagu kaalmeeyo baddeena sidii aan u difaaci lahayn.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Sharci ay soo Gudbisay Wasaaradda..

Heemaaln

Wasiirada Difaaca Ee Turkiga iyo Somaliya Oo Heshiis Dhinaca Difaaca ah kala Saxiixday.

Heemaaln

Dawlada Oo Ciidamo kala Dhax-dhigtay Maleeshiyaad Dagaal Uu Dhax maray.(Sawirro)

Heemaaln