Heemaal News Network

Dawlada Oo Ciidamo kala Dhax-dhigtay Maleeshiyaad Dagaal Uu Dhax maray.(Sawirro)

Ciidamo katirsan booliiska maamulka Hirshabelle ayaa lakala dhax dhigay labo maleeshiyo beeleed oo dhawwaan ku dagaallamay deegaano hoostaga degmooyinka Ceelbaraf iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Guddoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo ay wehliyaan saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ku baxay daminta colaada labada maleeshiyo beel u dhaxeysay, waxa ayna ugu dambeyn ka shaqeeyeen in ciidamo lakala dhax dhigo labada maleeshiyo.

Maleeshiyaadkii kasoo kala jeeday Shabeelaha Dhaxe iyo Hiiraan ee ku dagaallamay xadka labada gobol ayaa lakala qaaday, waxaana dib u furmay isku socodkii labada gobol iyo sidoo kale ganacsigii ka dhaxeeyay.

Dagaalka dhax maray labada maleeshiyo beeleed ayaa dhaliyay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana xusid mudan deegaannada labada maleeshiyo beeleed ku dagaallameen horey looga saaray kooxda Al Shabaab oo sannado maamuleysay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Saraakiil Turki ah Oo Muqdisho yimid Oo Shir la Galay Wasarada Difaaca (Sawirro)

Heemaaln

Beelwaynta Bahabar-Muuse Oo Shir Uga Furmay Deegaanka Lugfhaya.

Heemaaln

“Dhulka Itoobiya Laga kireeyey waxuu ka weyn yahay Dhulka ay Hargeysa ku fadhido…”C/Qaadir Jirde oo ka hadley Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Heemaal