Heemaal News Network

Koox Hubaysan Oo Kufsi Wadareed Garowe Ugu Geystay Gabar 13 jir ah Oo ka Mid ah Barakacayaasha

Kooxo hubeysan oo ku labis dareeska ciidanka amniga ayaa Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 jir saaka aroortii hore ugu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe caasimada Puntland.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga hubaysan ee kufsiga geystay ay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada Puntland kuwaasoo guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday.

Halka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha ee dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe.

Gabadha yar ee la kufsaday oo xaaladeeda caafimaad liidatay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe, iyadoo kooxihii falkaas geystay ay baxsadeen, mana jiro war ka soo baxay laamaha amaanka Puntland oo la xiriiora dhacdadan foosha xun.

Magaalada Garowe ayaa muddooyinii ugu dambeeyay amnigeeda hoos u dhacay, taasoo sababta falalka amni darrada ah oo kusoo badanaya, kuwaas oo loo aanaynayo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya magaalada Garowe.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Boliska Cadaado Oo Gacanta ku Dhigay Odayaal iyo Dhalinyaro ku Eedeysan..(Sawirro)

Heemaaln

Idaacadii Andalus Ee Alshabaab Iyo Warshad Qaraxyada Samaynaysay Oo La Burburiyey

Heemaal

Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Ee Boorama Oo Waxbarashada Laga Caawinayo

Heemaal