Heemaal News Network

Bank Dhacay Ganacsatada Dalka Ukrain Oo Buuq Badani Ka Dhashay

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa ballan qaaday in uu qaadi doono tallaabo kasta oo looga baahan yahay habsami u socodka hawlaha ganacsi ee Ukraine, ka dib markii xabsiga loo taxaabay nin bangi caan ah oo lagu eedeeyey dhac.

Muuqaalka uu iska soo duubay Zelenskyy ayuu ku sheegay in uu wadahadalo adag, la yeeshay ganacsatada, uuna go’aansaday in uu meesha ka saaro dhibaatooyinka halista ah ee ay ganacsatada kala kulmaan baananka.

Laakiin Zelenskyy waxa uu intaa ku daray in dadka reer Ukraine ee wakhtiga dagaalka ku jiray ay tahay in ay midoobaan oo ay ka go’an tahay hadaf midaysan oo lagaga hortagayo weerarka Russia uu ku hayo dalkooda, kaas oo bilowday ku dhawaad laba sano ka hor.

“Xilliga dagaalka, waa in aan ku midowno hal shaqo: xoogga Ukraine, awoodda bulshadeena, dhaqaalaheena,” ayuu yidhi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Warbixinta Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In Danbiilayaasha Lagula Xisaabtamo Xadgudubyada Ka Dhacay Falastiin Iyo Israa’iil

Heemaal

Beesha caalamka Oo ku Dhegan Qodobo ka mid ah Dastuurka & Xassan Sheekh Oo Talaabo Qaaday

Heemaaln

Shacabka Yuhuuda: Natanyahu Ha Is Casilo

Heemaal