Heemaal News Network

Maxkamada Nigeria Oo Dil ku Xukuntay Ganacsade Shiinees ah Oo Dilay Gabar ay Saaxiibo ahaayeen

Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa dil ku xukuntay ganacsade u dhashay dalka Shiinaha, kaddib markii lagu helay inuu dilay saaxiibtiis Ummu Kulthum Sani sannadkii 2022-kii.

Frank Geng Quarong ayaa laga helay qolkeeda ka dib markii uu dhowr jeer bilaabo ku dhuftay.

Dilka gabadhan oo 22 sano jir ah oo wax ka baranaysay jaamacada ayaa argagax ku beeray dadka reer Nigeria, waxaana kiiskan si dhow loola socday.

Xukunka dilka ayaa dhif iyo naadir ah in lagu fuliyo Nigeria, Isagoo Quarong waxa uu haystaa 90 maalmood oo uu racfaan kaga qaato xukunka.

Sadiiq Sani oo ah walaalka la dhashay dhibanaha oo ku hadlayay magaca qoyska ayaa ku tilmaamay xukunka dilka ah ee ay ku riday maxkamada Kano mid cadaalad ah, Waxa uuna sheegay in qofkii qof dila uu isna mudan yahay in la dilo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxkamadaynta Rag iyaga oo toogasho Argagixisanimo ku jiro ay hore u dhawaceen Ciidamada Amniga.

Heemaaln

Nin loo jaray Warqaddii Lagu soo Xiri lahaa Oo loo Tagay Isagoo Mayd ah, Markii la…

Heemaaln

Xassan Sheekh Oo ka Farxiyey Maxaabiis 100 ka Badan Oo ku jira Xabsiyada Dalka

Heemaaln