Heemaal News Network

Booliiska Maraykanka Oo ka Hadlay Weerar Dad ku Dhintay Oo ka Dhacay Gobolka Illinois

Nin ku hubaysnaa toorrey ayaa weerar ka geystay gobolka Illinois ee dalka Mareykanka.

Afar qof ayaa ku dhintay ugu yaraan shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray, mid ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa ku jira xaalad halis ah.

Taliyaha booliska magaalada Rockford Carla Redd ayaa sheegtay in nin 22 jir ah la xiray oo su’aalo la weydiinayo. Waxa ay intaas ku dartay in sababta ka dambeysay dhacdadaasi aysan weli caddayn.

Booliisku waxay sheegeen in dhibbanaha ugu yar ay ahayd gabar 15 jir ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Muxuu Deni kala Hadlay Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga Puntland? (Sawirro)

Heemaaln

Ciidanka Booliska Ceerigaabo Oo Caawa Kormeeray Amniga Magaalada.

Heemaaln

Ciidamo Ajaaniib Ah Oo Dawlada fadalaaku Qorshaynayso In Ay Keento Dalka

Heemaal