Heemaal News Network

Farmaajo iyo Shariif Oo ku Eedeeyay Xasan Seikh inuu Dhegaha ka Duraystay Baaqyadoodii.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu dhegaha ka furaystay baaqyadii ay u jeediyeen ee ku aaddanaa hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka dalka.

Labada madaxweyne ee hore ayaa sheegay haddii baarlamaanku uu meel mariyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, in ay ka dhigan tahay, in ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay ka fiirsadaan.

Farmaajo iyo Shariif waxay sheegeen tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu in ay si cad u muujinayaan inuu doonayo inuu la wareego awoodaha labada aqal ee baarlamaanka, si aan loola xisaabtamin xukuumadda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Hawada Dalkeena Wax Qalqal ah kama Jirto..”Somaliya Oo si Adag Uga Jawabtay War kasoo Baxay Somaliland

Heemaaln

Xasan Sheekh Oo Safar kugu Baxaya Itoobiya iyo Xiisada labada dal Oo Wali Taagan

Heemaaln

Heshiiski ku Biirista Somaliya Ee Ururka Bariga Afrika EAC Oo Su’aalo Laga Keenay.(Sawiro)

Heemaaln