Heemaal News Network

Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiyiin kale Oo Qaadacay Wax ka Bedelka Dastuurka KMG

Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre , Cumar Cabdirashiid iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku qaadacay go’aankii xildhibaanada ku ansixiyeen wax ka bedelka afar cutub oo dastuurka katirsan.

Qoraalka ay soo saareen musharaxiintan Madaxweyne ayey ku caddeeyeen in ay qaadacsan yihiin dastuurka cusub ee la ansixiyay, waxa ayna shaaciyeen in ay aqoonsan yihiin dastuurkii hore ee KMG ahaa.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Doorasho hadii la Qaban waayo Dalku Xaalad Adag-buu Galayaa, Muuse Biixi-na…” C/laahi Dheeraha Kaah

Heemaaln

Sool:-Caaqil Sanyare Oo Maanta si Adag Ugu Cibaadaystay Faysal Cali Waraabe

Heemaaln

“Waan Hubaa In Qabiilada Isaaq Iyo Raxan-wayn ay Oromo ka Buuxdo..” Abwaan Dhunkaal

Heemaal