Heemaal News Network

Somaliland Oo Sheegtay in Dastuurka cusub Ee Somaliya aanu Khusayn.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dastuurka cusub ee maanta uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay aanu khusaynin deegaanadeeda.

Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’, oo waraysi siiyay SAHAN TV, ayaa sheegay in reer Somaliland anay waligood qayb ka noqon dastuurka Soomaaliya.

“Soomaaliya waa dowlad aynu jaarnahayoo dasduurku inaga inama khuseeyo ee iyaga samaystay, xataa 1960 kii markii la codeeyay dastuur inagama dhaxayno inagu waynu diidnay oo iyaga uunbaa iska watay” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay hada kahor aaminsanayd in Somaliland oo maqan aan dastuur la samayn karin, lakiin ay hada samaysteen dastuur u gaar ah, oo ay soo afjareen doodoodi hore, waxaanu sheegay intaasi ay ka dhigantahay in Somaliland ay Soomaaliya aqoonsatay.

“Waxa ku cusub ee soo kordhayna waxa weeyaan uun in wixii ay iskugu sheekayn jireen ee ay odhan jireen Somaliland ayaa la sugaya ay soo afjareen, oo ay yidhaahdeen awrkiinu haku qaado oo ay ku tashadeen intooda iyo dalkooda” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka badalka cutubyo ka tirsan dastuurka Soomaaliya, kaasi oo madaxweynaha siinaya awoodo dheeraad ah, isla markaana faraya doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Akhriso Nuqulka Habraaca wax ka Bedelka Dastuurka Ee Maanta la Ansixiyay

Heemaal

Qaar ka Mid ah Wasiiradii Uu Magacaabay Deni Oo Xilka la Wareegay.(Sawirro)

Heemaaln

Mahad Slaad Oo la Eryay Iyo Sanbaloolshe oo loo Magacaabay Agaasimaha Nisa

Heemaaln