Heemaal News Network

Maamulka Masaajidka Xaramka Oo Beeniyey, Been Abuur Laga Faafiyey Imaam Sudaysi

Baraha bulshada waxaa saacadihii ugu dambeeyey ku baahay qoraallo ay dad badan faafiyeen oo ku saabsan khayrka ku jira habeenka Laylatul Qadriga kaas oo ay inta badan dadka qoraallada soo dhigay ay xigteen Imaamka Masaajidka Barakaysan ee Makkah, Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi.

Nuxurka farriinta baahday ayaa ahayd “in ka faa’iidaysiga habeenkan barakaysan uu ruux kasta u heli karo si gaar ah.”

Maamulka masajidada barakaysakan ayaa beeniyey farriinta la faafiyey ee loo tiiriyey Sheekha iyagoo qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee ‘Inside the Haramain’ lagu sheegay inaysan sal iyo raad toona lahayn arrintaasi.

“Farriinta baahday ee baraha bulshada lagu faafiyay oo lala xiriiriyay Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi oo ku saabsan 10-ka dambe ee Ramadaan waa khalad iyo mid sumcad dil ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dowladaha Somalia Iyo Sacuudiga Oo War Murtiyeed Wadajir ah soo Saaray (Akhriso)

Heemaaln

Heshiis ka Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya

Heemaaln

Xiriir Dhax-mara Sacuudiga iyo Israel Oo Meel Xasaasi ah Maraya iyo Blinken Oo ka Hadlay.

Heemaaln