Heemaal News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Fulinta Ballamihii Uu Qaaday…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.

Magacaabista ergagaygan ayaa dadka siyaasadda falanqeeya aaminsan yihiin in ay qeyb ka tahay xilal badan uu Madaxweynaha u ballanqaaday xildhibaannadii ansixiyay wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah dastuurka dalka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Oo Sheegtay inay Xiriir-dhow la Yeelanayso Puntland.

Heemaaln

Faarax Macallin”Lix Jeer Baa La Isku Dayey In La I Dilo Anoo Somali Difaacaya”

Heemaaln

Saylici iyo Masuuliyinta Awdal Oo Qaadacay Xeerkii Doorashooyinka Ee la Ansixiyay

Heemaaln