Heemaal News Network

Itoobiya Oo Sahan Dhinaca Dekada ah ka Bilowday Dekedda Lamu Ee Dalka Kenya

Itoobiya ayaa sahaminaysa suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda.

Inkastoo fikradda istcimaalka Itoobiya ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda la ma hirgelin.

Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale”.

Si loo xaqiijiyo hawlgal aan kala go ‘lahayn, waraaqo iyo heshiisyo kala duwan oo u dhexeeya labada waddan ayaa loo baahan doonaa in la dhammaystiro ka hor inta aan adeegga laga bilaabin Lamu.

Sababo la xiriira dhinaca ammaanka badda cas awgood, shixnadaha Itoobiya waxaa hadda lagasoo dajiyaa dekadda Mombasa iyadoo ay jiraan caqabado ka duwaya Jabuuti.

Sababta isbeddelkan keentay ayaa ka dhalatay dib u dhac ku yimid shixnadaha ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya dekedaha Djibouti, taas oo loo aanaynayo hawl-wadeennada maraakiibta oo hoos u dhigaya hawlahooda shaqo ee marinka badda cas.

Maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa wajahaya khataro dhanka ammaanka ah oo ay ku jiraan weerarada Xuutiyiinta Yemen, shirkadaha maraakiibta ayaa lagu qasbay in ay raadiyaan wadooyin kale si loo hubiyo in badeecadaha la keeno waqti ku haboon si ammaan ah.

Sidoo kale Itoobiya ayaa rajaynaysay in ay baahiyaheeda u isticmaasho dekad ku taal Somaliland si ay u daboosho baahida ka dhalatay bad la’aanta ee haysata dalkan lagu tilmaamo midka ugu dadka badan caalamka ee aan bad lahayn.

Hase yeeshe dawladda Fedearaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka biya diidday doonitaanka Addis ababa iyadoo uu heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya muddo dhowr iyo toban sano ah.

Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay ka fikireyso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kireysan leheed dhul badeed 20 km taas oo badalkeed ku aqoonsan leheed Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Balse Itoobiya iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama aysan hadlin ka laabashada heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee falanqeeyaasha ayaa sheegaya in ay Itoobiya ka laaban karto haddii ay xamili kari waydo culayska diblomaasiyadeed ee uga imanaya dalalka uu ka mid yahay Maraykanka oo isagu sheegay in uu xushmaynayo wadajirka iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Kenya Oo Xabsiga U Taxaabtay Rag Looga Shakiyay Kufsi Naxdin leh.

Heemaaln

“Puntland waa lagu soo duulay waxaan ku soo Duulay Dad Itoobiyaan ah”Gen Abdulaahi Gaafa Kaarshe “

Heemaaln

Jabhadda Hubeysan Ee Amxaarada Oo u Hanjabtay Diyaarada Ethiopian Airlines

Heemaaln