Heemaal News Network

Nin ka Dambeeyay Dhaawac iyo Dhac Ganacsade Somali ah Loogu Geestay Nairobi Oo la Qabtay

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa dhaawac iyo dhac ganacsado Soomaali ah maalmo kahor loogu geestay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Dhaawaca iyo dhaca loo geestay ganacsadaha Soomaaliga ah oo mooto saarnaa waxaa si toos ah u duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV, dhaca kaddib ayaana la sheegay in burcadii falka ka dambeeysay oo laba ahaa ku baxsadeen mootadii ay saarnaayeen.

Ganacsade Aadan Cali Maxamed oo saarnaa mooto nuuca labada lug ah ayaa lagu hor jaray mooto kale, waxaana ganacsada lagu dhuftay xabbado waxaana kaddib laga dhacay lacag Kenya Shilin ah oo lagu qiyaasat 31-kun oo dollar.

Booliiska ayaana falkan kaddib bilaabay howlgallo baaritaanno ah, waxa ayna ciidamada magaalada Mombasa ku qabteen nin qeyb ka ahaa dhaawaca iyo dhaca loo geestay ganacsadaha, kaa oo xilliga la qabanayay la sheegay in uu gaari iibsanayay.

Dambi baarayaasha kiiskan ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira dad kale oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen weerarkan dhaca iyo dhaawaca loo geestay ganacsadaha, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in lasoo qaban doono burcada kale ee baxsadka ah.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Faahfaahino kasoo Baxaya Qarax Caawa ka Dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho.

Heemaaln

Dowladda Soomaaliya: “Ma jirto Amni-xumo iyo Halis Badqab Oo ka jira Hawada.”

Heemaaln

Mahad Slaad Oo la Eryay Iyo Sanbaloolshe oo loo Magacaabay Agaasimaha Nisa

Heemaaln