Heemaal News Network

Milatariga Israa’iil Oo Qaaday Tallaabo Deg-deg ah kaddib Dilkii Samafalayaal Reer Galbeed ah

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa weerar ay ka fuliyeen magaalada Gaza ku dilay samafalayaal reer Galbeed ah, kuwaa oo katirsanaa hay’ad gargaar oo lagu magacaabo World Central Kitchen.

Dowladda Mareykanka iyo qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka ah ay kasoo jeedaan samafalayaasha la dilay ayaa si kulul ugu cambaareeyay Israa’iil weerarka ay geesteen, waxaana loogu baaqay in maamulka Israa’iil jawaab ka bixiyaan weerarkaasi.

Milatariga Israa’iil ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay shaqada ka eryeen laba saraakiil oo sar sare oo hoggaaminayay guutadii ku lugta lahayd dilka shaqaale ka tirsanaa Hay’adda World Central Kitchen.

Waxa ayna sheegeen milatariga in la baarayo dhacdada lagu dilay ajaabiinta u shaqeenayay hay’adda gar gaarka, waxa ayna tallaabadan u muuqataa mid Israa’iil ku yareeneyso carrada ka dhalatay weerarka ay geesteen.

Dhinaca kale maamulka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in la furayo oo la balaarinayo saddex marin oo laga gudbo si loo oggolaado in gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah uu magaalada Qasa galo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweyne Biden & Netanyahu Oo Mar kale Isku Maan-dhaafay Arrimaha Dagaalka Gaza.

Heemaaln

M/Putin Oo ku Dhawaaqay inuu Tageeri doono Iran Hadii Maraykanku Dagaalka soo Galo

Heemaaln

Israel Oo Saraakiil ka Tirsan Qaramada Midobay ku Duqeysay Magaalada Rmeish

Heemaaln