Heemaal News Network

Dab xoogan oo ka kacay Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Dab aad u xoogan ayaa goordhaw ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala bartamaha Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in markii hore uu ka kacay qeybta loo yaqaano Dahablaha, waxaana haatan lasoo warinaya inuu kusii faafayo qeybo kale oo ka mid ah qeybta lagu iibiyo Maacuunta, waxaana laga sii cabsi qaba in dabka uu kusii faafo qeybo kale oo ka mid ah Suuqa, maadama uu yahay dabka mid sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in daminta dabkaan ay haatan ku howlan yihiin Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo maamulka gobolka Banaadir oo isku dayaya iney demiyaan dabkaas ka kacay suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu soo laab laabtay mudooyinkii dambe dabka ka kaca goobaha ganacsi ee ku yaala Suuqaas, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab u qabsaday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta loo yaqaano Cabdalla shideeyaha ee lagu iibiyo qalabka Electroniga, kaasoo geystay khasaare badan.

Ugu dambeyntii dabkaan saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Suuqa uu ka jiro mashquul ganacsi oo la xariiro diyaar garowga maalmaha Ciida ee nagu soo wajahan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ku dhawaad 8 Qof Oo ku Dhimatay Shil Gaari Oo ka Dhacay Isgoyska Jubba Ee Muqdisho

Heemaaln

Khasaaraha ka Dhashay Diyaarad Ciidanka ATMIS U Socotaay Oo Shil ku Gashay Garoonka Jowhar.

Heemaaln

Maydka Wiil-yar Oo Maanta ku Dhcay Dhaan ku Yaala Dila Oo Wali laa Baadi-goobayo

Heemaaln