Heemaal News Network

Waddamada Islaamka Oo ku Dhawaaqay in Berito la Dhameystirayo Soddonka Bisha Ramadaan

Sacuudiga iyo dalalka kale ee Islaamka ayaa sheegay in berrito la dhameystiri doono soddonka bisha Ramadaan, ka dib markii ay xaqiijiyeen in la arki waayay dhalashada bisha Shawaal.

Sacuudigu wuxuu sheegay in maalinta koowaad ee bisha tobnaad ee bilaha Islaamka ee Shawaal ay ku beegan tahay 10-ka Abriil.

Go’aanka kama dambeysta ee ka soo baxay Sacuudiga oo uu baahiyay xafiiska warfaafinta ee Haramain Sharifain, ayaa lagu sheegay in aan la arag bisha, lana dhammeysanayo 30 Ramadaan.

Dalalka Kuwait, Qatar, Baxreyn, Ciraaq, Falastiin, Suuriya, Masar, Lubnaan, Yemen iyo Imaaraadka Carabta ayaa sidaas oo kale ku dhawaaqay in talaadada la dhameystirayo bisha barakeysan ee Ramadaan, Arbacadana ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Soomaaliya weli loogama dhawaaqin go’aanka la xiriira bisha Shawaal, inkastoo la filayo in dowladda Soomaaliya ay shaaciso in berrito la dhameystirayo bisha Ramadaanka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wiil Markhaati Ku Furay Seedigii Oo Hargeysa Lagu Dilay Meydkiisa-na Lagu Muran-sanyahay

Heemaaln

“Goojacade Dambe Hadaad Dagaal U Timadaan Halaag ayaad kala kulmaysaan” Garaad Soofe

Heemaaln

“Qof ayaa la Gubay,Qof ayaa Faas Lagu Dilay,Qof ayaa Dhintay waa Mashruuc Qolo ay soo Qaadatay”

Heemaaln