Heemaal News Network

Xukun Dil ah Oo Maanta Lagu Fuliyay Ninkii Laascaanood ku Dilay Korneel..(Sawirro)

Maxkamadda derajada koobaad ee gobolka Sool ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Mowliid Maxamed Jaamac oo lagu helay in magaalada Laascaanood ku dilay 24-kii bishii hore ee Maarso Korneel Maxamuud Cali Xade.

Ninka saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaana labo maalin kahor maxkamadda derajada koobaad ee gobolka Sool ku riday xukun dil ah , kaddib markii ay ku caddaatay in si kas ah u dilay sargaal katirsanaa ciidanka SSC Khaatumo.

Fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay ninkan dilka ka geestay magaalada Laascaanood ayaa waxaa isugu tagay ehelada marxuumkii uu dilay iyo eheladiisa, saraakiil iyo dadweyne kale.

Xukunkan dilka ah ee ninkan horey loogu riday waxaa si isku mid ah usoo dhaweeyay dhinacyada ay kasoo kala jeedaan ninka eedeysanaha ah ee dilka geestay iyo dhinaca kale uu kasoo jeedo marxuumka la dilay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Cida Dhulkayaga Noogu Timaada waanu Iska Celin Doonaa”. Haweenka Awdal Oo Hanjabaad Culus Diray

Heemaaln

Taliska Guud Ee Ciidanka Asluubta SSC-Khatumo Oo soo Saaray War-saxaafadeed.

Heemaaln

Madaxweynaha SSC Oo Cafis u fidiyey Qaar kamid ah Maxaabiista Ku Xiran Xabsiyada SSC Khaatumo

Heemaaln