Heemaal News Network

Mareykanka Oo ka Digay Weeraro ku soo Wajahan Qeybo ka mid ah Muqdisho.

Dowlada Mareykanka ayaa digniin ka bixisay weeraro argagxiso oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah

Mareykanka ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan Muqdisho, gaar ahaana goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah iyo shacabka.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda.

Sidoo kale waxaa looga digay saraakiisha Mareykanka inay berri usoo safraan Muqdisho.

Weerarada ayuu Mareykanku sheegay in loo adeegsan karro, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.

Dhinaca DFS ma sheegin wax khatar amni ah, xili berrito Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad uu xilka ku wareejinayo agaasimaha cusub Sanbaloolshe

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidanka SSC ah Oo Galabta Hawlgal Ay Kuso Qabtay Ragii Habarjeclo Ee Gaadaha Ahaa.. Ciidanka SSC Khaatumo Hawlgal Deegaanka Coodanle Kaka soo qabtay Ragii Habarjeclo Ee Gaadaha Ahaa

Heemaaln

Deg-deg:-Dhalinyarada Gobolka Awdal Oo ku Han-jabay inay ka Baxayaan Somaliland Hadii…….

Heemaaln

Booliska Somaliya Oo Lagu Wareejiyey Bur dhacay Oo Dekeda Muqdisho Laga soo Dejiyey(Sawiro)

Heemaaln