Heemaal News Network

Dagaal Culus Oo Haatan ka Socda Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan socdo ku dhawaad 30 daqiiqo oo xariir ah, islamarkaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dagaalkaan uu ka dhex qarxo ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo wali ka socda gudaha magaaladaaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dhalinyaro Beesha Garxajis ah Oo ku Biiray Maamulka SSC Khaatumo

Heemaaln

Cali Jeyte Oo si Adag Uga Hadlay Dagaal ka Dhacay Baladwayne Iyo Mudaharaad ka Bilowday

Heemaaln

Nin Somaliland Ugu Yimid inuu ku Biiro Al Shabaab Oo la Qabtay Xukuna lagu Riday

Heemaaln