Heemaal News Network

Dad Badan Oo loo Xir-xiray Dilka Siyaasi ka Tirsanaa Madaxda Mucaaradka Itoobiya.

Saddex iyo toban qof ayaa la soo xiray kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka siyaasiga mucaaradka Itoobiya, Bate Urgessa, sidaasina waxaa sheegay booliska gobolka dhibaatadu ka taagan tahay ee Oromia

Wax faahfaahin ah kama bixin cidda ay yihiin dadka la soo qabtay balse waxay sheegeen in ay bilaabeen dambi baaris.

Mr. Bate oo ahaa xubin sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Oromada ee OLF, kaasoo toogasho lagu dilay horaantii toddobaadkan, waxaana Meydkiisa laga helay arbacadii wadada dhinaceeda meel u dhow degaankiisa Meki.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in qolka hotelkiisa ay kala baxeen dad u ekaa ciidamada ammaanka ee dowldda deegaanka gobolka Oromia, balse maamulka Oromada ayaa beeniyay in ciidamada ammaanka ku lug lahaayeen dilkaasi.

Ilo wareedyo isbitaalka ayaa BBC u sheegay in jirka Mr Bate ay ku yaaleen dhawacyo rasaas ah, waxaana la aasay khamiistii, balse waxaa su’aalo laga keenay in si sax ah loo baaray meydka.

Siskastaba ha ahaatee Mareykanka iyo UK ayaa wada-jir ugu baaqay in baaris madaxbanaan lagu sameeyo dilka Mr. Bate.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Somaliland Oo Deg-deg Uga Jawaabtay Hadalkii Xildhibaan Maxamed Abiib Ee Hakinta Jidka

Heemaaln

War-murtiyeedkii Shirka Midowga Afrika Oo Looga Hadlay Xiisad Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Side Itoobiya Maanta uga hortagtay Afgambigii lala Damacsanaa R/wasaare Abiy Axmed.

Heemaaln