Heemaal News Network

War-murtiyeedkii Shirka Midowga Afrika Oo Looga Hadlay Xiisad Somaliya iyo Itoobiya

Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa, waxaana gunaanadkiisii ka soo baxay warmurtiyeed arrimihii looga hadlay, oo uu ka mid ahaa khilaafka u dhaxeeya Somaaliya iyo Itoobiya, iyaga oo aan soo hadal qaadin habdhaqankii uu Itoobiya kala kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Midowga Afrika ayaa sida lagu sheegay warmurtiyeedka “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa dawladaha federaalka Itoobiya iyo Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Somaliland 1 Janaayo 2024”.

Sidoo kale waxaa war murtiyeedka lagu yiri “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo federaalka Itoobiya.

Midowga Afrika wuxuu ugu baaqayaa in labada dal ay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidi xal nabadeed loogu helilahaa arrinta”.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Banaanbax Wayn Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

Heemaal

Diblumaasi Mareykan ah Oo Qirtay in 40-sanno Basaas u ahaa Dal Mareykanka Cadaw ku ahaa

Heemaaln

“Anagu sida M/Gobaleedka Somaliland Oo kale Awoodaha Masiiriga ah kama Hadli Karno” W/Qorsheynta D.D.S.Itoobiya.

Heemaal