Heemaal News Network

Ruushka Oo Markabkii Labaad Ee Gargaar sida soo Gaarsiiyey Somalia.(Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay markale markab sida shixnad mucaawino.

Dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadka ayaa loogu talo galay in la gaarsiiyo deeqdan.

Gargaarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun tan oo Qamadi ah.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan si lamid ah sidii gargaarkii hore loo gaarsiiyey.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxii Culuunta Saxaafada Ee Jaamacada Umadda Soomaliyeed Oo Ku Biiray Alshabaab

Heemaal

Maxay Somaliland ka tiri Inay Hargeysa Joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah.

Heemaaln

Mahad Slaad Oo la Eryay Iyo Sanbaloolshe oo loo Magacaabay Agaasimaha Nisa

Heemaaln