Heemaal News Network

Wasiiro Iyo Saraakiil Ciidan Oo Xabsiga loo Dhigay Ianay Qorsheynayen Dilka Madaxweynahooda

Mas’uuliyiinta Venezuela ayaa xiray 32 qof oo isugu jira wasiiro rayid iyo askar ka dib baaritaan muddo bilooyin ah socday oo ku saabsanaa inay qeyb ka ahaayeen “shirqool” uu Mareykanku taageerayo oo lagu dilayo madaxweyne Nicolas Maduro, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Vladimir Padrino, dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda, saxafiyiinta iyo askar musaafuris ku maqan ayaa ka mid ah dadka loo haysto shirqoolka

Dhammaan tuhmanayaasha waxay qirteen oo daaha ka qaadeen macluumaadka ku saabsan qorshayaasha,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud Tarek William Saab u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Caracas.

Saab oo daacad u ah Maduro ayaa sheegay in 11 qof oo kale la soo saaray amarro lagu soo xirayo, isagoo xusay in howlgal billowday sannadkii hore oo lagu doonayay in lagu soo bandhigo tafaasiisha la sheegay in la maleegay uu ahaa mid qarsoodi ah, maadaama uu ku soo beegmay wadahadallo dhexmaray Maduro iyo Mareykanka oo sababay in maxaabiis la is dhaafsado .

Waxa uu ku eedeeyay shirqoolka kooxda “midigta fog” oo Xukuumadda Maduro ay inta badan ula jeedo mucaaradka taageerada ka helaya Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA).

Saraakiisha ayaa sii daayay muuqaal la sheegay in ay ku lug leedahay hogaamiyaha mucaaradka Maria Corina.

Maduro ayaa la doortay sanadkii 2018 markii labaad, oo isku xigta, wuxuuna la kulmay cunaqabatayn aad u badan.

Arrimahan ayaa la fududeeyay tan iyo markii ay dowladdiisu ogolaatay in sanadka 2024-ka la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal.

Warbixin ay soo saartay sannadkii hore, guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay cabsigelinta, cadaadiska lagu hayo mucaaradka xarigga aan sharciga ahayn iyo xarigga suxufiyiinta, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadda.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ciidamo Ajaaniib Ah Oo Dawlada fadalaaku Qorshaynayso In Ay Keento Dalka

Heemaal

Taliyaha Booliska Gobolka Sool Coll Gawrac Oo Ka Hadlay Arimo Xaalsaasi Ah…

Heemaaln

Ururada Siyaasada Somaliland Oo Dacwad u Gudbiyey Maxkamada sare Ee Somaliland.

Heemaaln