Heemaal News Network

Siyaasi Caan ah Oo Shaki Galiyay Kulankii Xasan Sheekh iyo William Ruto

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Kenya William Ruto, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleen arrimo badan oo qaarkood xogtooda la qariyay.

Madaxtooyada Soomaaliya war ay baahisay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan kala hadlay dhigiisa dalka Kenya xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki galiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka labada Madaxweyne, waxa uuna isweediiyay sababta kulanka aan looga qeyb galin wasiiradda ay quseyso arrimaha laga wada hadlay.

”Haddii sida la sheegay kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay dhiggiisa Kenya looga hadlay iskaashi amni iyo la dagallaan argagexiso, maxay u wehlin waayeen wasiirradii, madaxdii hay’adaha amniga iyo hawlwadeenkii diblomaasiyadda oo safiirkii dalka ugu horreeyo? ayuu isweediiyay Cabdiraxmana Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaana sheegay in wax lala yaabo tahay in arrin looga hadlayo iskaashi amni Madaxweynaha kaligiis shirka ka qeyb galo, isagoona isweediiyay sababta keentay in ay tahay in uu waayo qof uu aamino.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed si daahfuran oo daacadnimo leh loogu warbixiyo kulamada Madaxweynaha, isagoona codsaday in dadka aan lagu jahwareerin qoraalo warbaahinta dowladda lasoo dhigo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Aqbali Mayno in Gabadhii Kaliya Ee Reer Awdal la Takooro Laguna Dhibateeyo Golaha Wakiilada..”Haweenka Hargeysa

Heemaaln

Ragga Hargaysa Oo Ka Cadhooday Ninkii Dumarku Hargaysa Ay Ku Dhex Garaaceen

Heemaaln

Habarjoclooy Hadad Oromo Noqoteen Anagu Noqon Mayno Garxajis………

Heemaaln