Heemaal News Network

Maamulka SSC Oo Gaaray Jiida Hore Ee Gobolka Cayn Kulan-na la Qaatay Bulshada SSC.(Sawiro)

Wafti balaadhan oo ka socda Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Gaadhay deegaanka Xadhadhan iyo jiidaha hore ee Galbeedka Gobolka Cayn ee Buuhoodle.

Wafti balaadhan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Cayn, Gudoomiyaha Degmada Buuhoodle, Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka SSC khaatumo, xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Buuhoodle, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Aaga Gobolka Cayn, Agaasimaha Guud ee Wasaarada hawlaha Guud, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo Maamulka ka tirsan iyo Sidoo kale Taliye Cabdi Madoobe ayaa Gaadhay Magaalada xadhadhan iyo Jiidaha hore ee Galbeedka Gobolka cayn si looga wada hadlo Weerarada Joogtada ah ee Somaliland ka abaabulayso ay ka gaysanayaan Jiidaha Galbeed weeraradan oo kii ugu Dambeeyay ay gaysteen makhribnimadii shalay kaas oo ka dhacay Bali uus oo ka tirsan Deegaanka xadhadhan.

Wax garadka Reer xadhadhan iyo Masuuliyiinta Maamulka ayaa yeeshay kulamo midho dhal ah oo la isku afgartay Dhammaan Qodobadii looga hadlay.

Dhinaca kale Madaxwayne Kuxigeenka SSC Khaatumo Oo Gaaray Deegaano ka Tirsan Sool

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dhalinyaro Beesha Garxajis ah Oo ku Biiray Maamulka SSC Khaatumo

Heemaaln

Dagaal Culus Oo ka Dhacay Duleedka Xarardheere & Ajaaniib Lagu Dilay

Heemaaln

Ciidamada Habarjeclo Oo Heegan galay Shaaciyay-na In Duulaankii SSC Lagu Jabinayay.

Heemaaln