Heemaal News Network

Dagaal Culus Oo ka Dhacay Duleedka Xarardheere & Ajaaniib Lagu Dilay

Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray xoogag ka tirsan Al shabaab oo halkaas isku urursanayey waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa Warbaahinta u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen al shabaab, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina haraadiga kooxdasa ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.

“Tiro ajaajib ah iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta ayaan ku dilnay dagaalka, haatanna deegaanka anaga ayaa gacanta ku heyno”. ayuu yiri Guddoomiyaha

Guddoomiyaha degmada Xarardheere ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud inay ciidamada qalabka sida iyo xooggaga deegaanka gacan lagu siiyo howlgallada ka dhanka ah al shabaab.

Mudane Maxamed Yuusuf ayaa tacsi u diray ciidamadii kaga dhintay dagaalkii maanta oo uusan tiradooda shaacin, halka kuwa ku dhaawacmayna uu Alle uga baryay in uu u boogo dhayo

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Daacish Oo Baahisay Muuqaalka Afar Qof Oo Fulisay Weerarkii Moscow (Sawirro)

Heemaaln

Ciidamada Habarjeclo Oo Heegan galay Shaaciyay-na In Duulaankii SSC Lagu Jabinayay.

Heemaaln

Isaaqow Waan Ka Warhaynaa Shirqolkiina, Ciidanka SSC Oo Cawa Dignin Kasoo Diray QuriLuqud, Dagal

Heemaaln