Heemaal News Network

Sheekh Shariif:-“Aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, Waan Heshiin waynay.”

War-saxaafadeed uu caawa soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu uga hadlay kulan xalay magaalada Naironi kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay qabsoomidiisa ka shaqeeyeen odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Mudulood, waxa uuna xusay in ujeedka kulanka ahaa sidii labada dhinac isku fahmi lahaayeen.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in kulanka uu la yeeshay Xasan Sheekh uga wada hadlayeen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha dastuurka, arrimaha siyaasadda iyo mustaqablka dalka iyo sidii loo xalli lahaa khilaafka DFS iyo maamulka Puntland.

Sheekh Shariif ayaana caddeeyay in dhammaan arrimahan uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh ay xal ka gaari waayeen uuna ku dhammaaday shirkooda fashil,waxa uuna xusay in uu soo dhaweenayo in khilaaf kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo is qancin.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Warbixinta Soomaliya U Gudbisay Qaramada Midoobay Oo Gilgishay Adisababa

Heemaal

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun ku Riday 27 Askari Oo Lagu Helay inay…

Heemaal

Komishanka Maamul Wanaaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Warqadii Wasiirka Gadiidka SL

Heemaaln