Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu dalka cusub yahay.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka.
Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.