Heemaal News Network

Ciidanka Israa’iil Oo Duqeeyay Kumanaan Qof Oo Safaf Ugu jiray Raashiin Gargaar ah

Ugu yaraan 20 qof ayaa la dilay xilli ay gargaar ku sugayeen meel u dhow magaalada Gaza Khamiistii maanta sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

150 kale ayaa ku dhaawacmay – daraasiin ayaa aad u daran – markii weerar millatari ay qaadeen ciidamada Israa’iil

“Kumanaan kun oo qof ayaa u baahday inay gargaar bini’aadannimo ka helaan agagaarka Isbitaalka Kuwait ee magaalada Gaza,” ayay tiri wasaaradda caafimaadka.

Wariyeyaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dadka ay ku sugayeen gargaar wadada dheer, iyadoo wararka deegaanka ay sheegayaan in khasaare kala duwan uu ka dhashay duqeynta iyo rasaasta.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Ashraf al-Qidra ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay “ay u badan tahay in ay korodho” maadaama isbitaallada aysan haysan wax lagu daweeyo, difaaca shacabka ee Gaza ayaa ku tilmaamay dhaawacyada kuwo aan la rumaysan karin.

Ugu yaraan 25,900 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 64,000 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil ku qaadeen 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin. Ugu yaraan 11,500 oo ka mid ah waxay ahaayeen carruur halka 7,300 ay ahaayeen dumar.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Netanyahu Oo Sii Laalaay Wadahadalii Nabbadda Ee Maraykanku Waday

Heemaal

Australia Oo Sheegtay in ay Falastiin Dowlad u Aqoonsaneyso

Heemaaln

Hoggaamiyaha Xamaas Oo ka Hadlay Cilka Ciidamada Israel u Geysteen Caruurtiisa

Heemaaln