Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaariijta ah, iyadoo shirka muhiimadiisa inta badan xooga lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay hannaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne, xilli Baarlamaanka ka doodayo wax ka bedelka Dastuurka.
Beesha Caalamka ayaana Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa ay ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan wax ka bedelka Dastuurka iyo in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda .