Heemaal News Network

Afhayeenka Xukuumada Somalia iyo Weriye Caan ah Oo ka mid Noqday Dhaawacyada SYL

Waxaa isa soo taraya faahfaahinada laga helayo khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo caawa ka socda Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan DF.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in masuuliyiinta ku dhaawacmay hotelka uu ka mid yahay afhayeenka xukuumada Somalia Farxaan Maxamed Jimcaale oo qeyb ka ahaa masuuliyiin ku sugnaa gudaha hotelka markii uu dhacayey weerarka.

Dhaawaca afhayeenka ayaa la soo sheegayaa in loola cararay Isbitaalka Digfeer, lamana oga heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Weriye Xassan Shiikh Axmed (Xassan cadde) oo ka tirsan weriyeyaasha caanka ah ee Muqdisho ayaa la soo sheegayaa inuu sidoo kale ku dhaawacmay weerarkan

Waxaa horey loo xaqiijiyey in Taliyaha Booliska gaarka ah ee Haramcad, Cabdixamiid Fanax iyo Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ay ka mid yihiin dadka ku dhaawacmay weerarkan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al shabaab iyo ciidamada amaanka DF ayaa weli ku dhex dagaalamaya hotelka SYL oo weerarkan uu u noqonayo kii 3aad ee lagu galo sanadihii la soo dhaafay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maamulka G/Saaxiil Oo ka Hadlay Halka u Marayo Baaritaanka Shil Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Berbera.

Heemaaln

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hawl-galo ka Bilaabay Caawa Suuqa Wayn Ee Hargeysa.

Heemaaln

Faarax Macallin”Lix Jeer Baa La Isku Dayey In La I Dilo Anoo Somali Difaacaya”

Heemaaln