Heemaal News Network

Deni Oo Kulankii Ugu Horeeyey la Qaatay Golaha Cusub Ee Wasiirada Puntland.(Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan Afur ah ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada xubnaha Golaha Wasiirada cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale u hambalyeeyay xubnaha Golaha Wasiirada oo ay usoo dhammaatay xilwareejintii ay xafiisyada kula wareegeen, wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda ay Bulshada u qaadeen.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubnaha Golaha Wasiirada, La-taliyeyaal, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Waxan u mahad Naqayaa Wasiirka Warfaafinta Oo Muddadii Uu joogay ka Dhigay Meel Lagu soo Hirto”

Heemaaln

Maxay Somaliland ka tiri Inay Hargeysa Joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah.

Heemaaln

Somaliya iyo Imaaraadka Oo ka Wada-hadlay u Diyaar garowga Khasaraha Roobka Gu’ga

Heemaaln