Heemaal News Network

AFRICOM Oo Ka Hadshaday Duqaynta La Sheegay In Ay Ku Dileen Dhakhaatiirta Kuuba

Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib 15-kii bishan, taas oo la sheegay in lagu dilay dhakhaatiir u dhalatay dalka Kuuba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalin ka hor sheegtay in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo afduub ay ku heysteen ay ku dhinteen duqayn ay magaalada Jilib ka gaysteen diyaaradaha Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayey ku sheegteen inay jirto duqeyn ay 15-kii Febraayo ka gaysteen meel u dhow Jilib, sidoo kale ay maqleen warka sheegaya dhimashada dhakhaatiirtaas, balse aysan heyn wax cadeyn ah.

“Waan ka warqabnaa wararka sheegaya eedda ah in duqayntu dishay laba rayid ah. Ma hayno xog dheeraad ah waqtigan oo ku saabsan wararkaas, hase yeeshee wixii sheegasho ah ee la xiriirta dhib soo gaaray rayid way nagu weyn tahay,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Al-Shabaab waxay sheegeen labo dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo u dhashay dalka Cuba ay ku dhinteen duqeyntii diyaaradaha Mareykanka, balse sooma bandhigin wax cadeyn ah.

Mareykanku wuxuu qoraalkiisa ku cadeeyey in bartilmaameedka duqayntaas uu ahaa kooxda Al-Shabaab, balse ay sii baarayaan hadii ay jiraan dad rayid ah oo ku geeriyooday.

“Taliska AFRICOM wuxuu sii wadayaa qiimaynta natiijada hawlgalkan, waxaana bixin doonaa xog-dheeraad ah markii la helo,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

“Cusbitaalka Burco wuu Xidhmayaa“ Qaar ka mid ah Dhakhaatirta Gobolka Togdheer.

Heemaaln

Imaardka Oo La Saftay Itoobiya Iyo Sacuudiga Oo La Saftay Soomaaliya Hubna U Soo Diraya

Heemaal

Dowlada Hoose Ee Laascaanood Oo Wadooyin Waaweyn Qasb ku Baneysay.

Heemaaln