9 bilood oo dheeraad ah oo soo gudbin xogtan ay codsatay in DFS loogu daro ayaa lagu sheegay warqadan in ay ku e’ey tahay 31-ka bishan March oo aan lakordhin doonin.
Bangiga Aduunka ayaa kuhanjabay in haddii aan warbixinta la keenin ay qaadayaan tallaabooyinka ah.
1- Mashaariicda hadda socota lama kordhin doono.
2- Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.
3- Dhammaan wada xaajoodyada ayaa dib loo dhigi doonaa, xitaa kuwa hadda qorsheysan in lasoo daayo bisha Abriil 2024.
4- Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidaas oo kale lacagaha hadda mashaariicda socota ah ayaa la hakinayaa.
5- Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa lahakinayaa.
6-Bangiga Aduunka wuxuu hakinayaa deeqaha ay saameynayso warbixinta aan lasoo gudbin.
7- Saddex Mashruuc oo ay tahay in April 2024-ka la fasaxo oo uu bixinayo dhaqaalahooda Bangiga Adduunka ayaa lahakinayaa.