Heemaal News Network

Burcad Badeeddii Lagu Qabtay Markabka MV Ruen Oo Maanta Laga Dajiyay Mumbai Ee Hindiya

Markab kuwa dagaalka ah oo lagu magacaabo INS Kolkata, oo siday 35-burcad-badeed ah oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay xeebaha Soomaaliya, ayaa saaka gaaray magaalada Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalka Indiya.

Burcad-badeeddan ayaa lagu wareejiyay booliiska Mumbai.

“INS Kolkata, oo ay la socdaan 35-ka burcadbadeedda ah ee la qabtay, waxay gaareen Mumbai 23-kii Maarso, waxayna ku wareejiyeen burcad-badeedda booliiska maxalliga ah si ay u qaadaan tallaabo sharci oo dheeri ah oo waafaqsan sharciyada Hindiya, gaar ahaan sharciga ka-hortagga burcad-badeedda ee 2022,” ayay yiraahdeen ciidamada badda Indiya.

Hawlgal socday in ka badan 40 saacadood oo billowday saacadihii hore ee Maarso 15, ayaa ciidamada badda ee dalka India waxay ku qabteen Markabkii MV Ruen ee burcad badeeddu haysteen.

Markabka ayaa la sheegay in loo adeegsan jiray in lagu qaado weerarada burcad badeedda ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga.

Burcad badeedda Soomaalida ayaa hadda haysta Markab lagu magacaabo MV Abdullaahi oo laga dalka Bangladesh, kaasoo sida dhuxul.

Mulkilayaasha Markabkan ayaa diiday in markabka lagu qaado howlgal ciidan, iyagoo u baqay shaqaalaha saaran markabka iyo bedka qabka hantida markabka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Markab xamuul Oo ku Wajahnaa Imaaraadka Oo u Gacan-galay Burcad Badeed Somali ah

Heemaaln

Hindiya Oo Talaabo ka Qaaday Askarigii Haraatida la Dhacayay Dadka Wado ku Tukanayay

Heemaaln

Koox Somali ah Oo Heystay Markab Laga Leeyajay Iran Oo Ciidamada India Isku Dhiibay

Heemaaln