Heemaal News Network

Ciidamada Hindiya Oo Gacanta ku Dhigay Burcadbadeed Somali ah oo Saarnaa Markabka Ruen

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ayaa qabtay markabka xamuulka ah ee Ruen, waxayna ka dalbadeen burcadbadeedda Soomaalida ee markabka la socday inay isa soo dhiibaan, sida uu afhayeen u hadlay ciidamada badda maanta oo Sabti ah.

Burcadbadeedda oo la sheegay inay afduubteen markabka xamuulka qaada oo ka babanaayay calanka Malta 14-kii bishii December, ayaa rasaas ku furay markabka ciidamada badda ee marayey biyaha caalamiga Jimcihii.

Ciidamada badda ayaa ugu baaqay burcad badeeda inay isa soo dhiibaan oo ay sii daayaan markabka iyo cid kasta oo rayid ah oo ay gacanta ku hayaan.

Burcad badeeda Soomaalida ee qabsaday markabkan bishii December ayaa laga yaabaa in ay u isticmaaleen la wareegidda markab xamuul oo ka babanaya calanka dalka Bangaladesh oo marayay xeebaha Soomaaliya todobaadkan, sida ay sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Ugu yaraan 17 dhacdo oo ah afduub, ama isku day afduub ayay ciidamada badda Hindiya diiwaan galiyeen tan iyo bishii December, sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya.

Hindiya ayaa ugu yaraan toban maraakiib dagaal ah geysay bariga badda cas bishii Janaayo si ay u sugaan ammaanka badda, waxayna ku guulaysteen inay sugaan ammaanka in ka badan 250 markab.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Puntland Oo Ciidamo Dheerad ah Dul-dhigtay Kooxo Burcad-badeed ah Oo Heysta Markab.

Heemaaln

Puntland Oo ka Hadashay Markab Lagu Afduubtay Xeebaha Badweynta Hinidya

Heemaaln

Markab xamuul Oo ku Wajahnaa Imaaraadka Oo u Gacan-galay Burcad Badeed Somali ah

Heemaaln